273 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre “ “Waa loo aargudayaa dadka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre  “  “Waa loo aargudayaa dadka Soomaaliyeed”
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Shirkii golaha wasiirrada ee Soomaaliya oo xalay qabsoomay ayaa laga soo saaray go’aammo khuseeya xaaladda dalka kuwaas oo daba socda qaraxyadii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku ku dhinteen dad kor u dhaafaya boqol qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badani.

Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay go’aammo ay ka mid yihiin in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay lacag hal Malyan oo dollar ah ugu deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas, halka sida oo kale ay dawladda kafaala qaadeyso daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadaas.

Waxaana sidookale ka mid ahaa in golaha wasiirrada ay isku afgarteen In dib loo aasaaso Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran.

Shirkaas kaddib Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa booqday qaar ka mid ah cisbitaallada lagula tacaalayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas mataanaha ahaa.

Waxaana khubad uu jeediyey kaddib uu ballanqaaday in Al- Shabaab ay ka xoreyn doonaan dalka, isla markaana ay u aari doonaan dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Sabtidi ka dhacay isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

“Xalka kaliya ah waa in aan la dagaallanaa oo aan iska xoreynaa..waxaan ballan qaadeynaa in loo aargudo dadka Soomaaliyeed, waa loo aargudaya, waa in raggaa dalka laga xoreeya, shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa sabir , degnaansho iyo dulqaad inay u yeeshaan dagaalka socda waxyaabaha naga soo gaaraya”

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday dhakhaatiirta in ay si mutaddawacnimo u soo dhaweeyaan bukaaannada, halka sida o kale uu baaq u diray qurbajoogta Soomaalida.

“Dhakhaatiirta waxaan ka codsaneynaa in si mutadawacnimo ah aad ugu adeegtaan, waxaan rajeyneynaa in isbitaallada gaarka loo leeyahay ay qaabilaan dadka walaalahood ah, dadkeena dibadda jira daawadayaal inay noqdaan lama rabo dagaalka baa socda dalkooda inay wax soo taraan oo ay ka qeyb qaataan badbaadinta dadka in la is-garab istaago baan u baahanay”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ardeyda iskuullada iyo jaamacadaha muddo saddex maalmood ah ay fasax geli doonaan si ay uga qeyb qaataan dadaallada gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ku dhaawacmay qaraxyada.

Burbur xooggan ayaa ka muuqdaa isgoyska oo ay dad badan ganacsi ku hesytaan sida dukaamada, bangiyada iyo xawaaladaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore booqday isgooyska Soobe ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaareyso ku dhawaad 100 qof halka 300 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaana ay tirada dhimashada ay intaa ku badan karto.

Isbitaallada magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay boqolaal qof oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weeraradii shaley ka dhacay isgoosyka Soobe, waxaana kamid ah meelaha dhaawacyada ugu badan la gaarsiiyay isbitaalka Madiina iyo isbitaalka Digfeer.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay inay tagaan isbitaallada si ay dadka dhaawaca ah ay dhiig ugu shubaan.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ka codsanaya in dadka walaalaha ay dhibaatadu gaartay ee isbi.taallada yaalla in beri dhiig aad u bixisaan, waxaan ku baaqeynaa in isbitaallada dhiig la siiyo la tego dhiig lagu tabaruco”.

Weeraradii lagu qaaday isgooyska Soobe waxaa sheegtay Al-Shabaab, waxayna sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa wasaaradda waxbarshada ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post