1194 Views

War deg deg ah: Qarax Goor dhawayd ka makhaayad lagu magacaabo Luul Yamani ee Xamarjajab.

War deg deg ah: Qarax Goor dhawayd ka  makhaayad lagu magacaabo Luul Yamani ee Xamarjajab.
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

Waxa goor dhawayd magaalada Muqdisho ka dhacay qarax wayn oo ahaa ismiidaamin, waxaana la sheegay in lala eegtay agagaarka Dekadda Weyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan makhaayad lagu magacaabo Luul Yamani.

Qaraxa oo jugtiisa aad u cusleed ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro madow iyo holac uu sababay qaraxa.

Sidoo kale Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili galabta magaalada Muqdisho wadooyinkeeda inta badan lasoo dhoobay ciidamo aad u badan oo la sheegay in ay sugayaan amaanka caasimada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post