846 Views

Kiisaskii ugu badnaa Corona virus ee Jubbaland oo maanta la diwaangaliyay

Kiisaskii ugu badnaa Corona virus ee Jubbaland oo maanta la diwaangaliyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 06 2020–Guddiga ka hor tagga xanuunka COVID-19 ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Jubbaland maanta laga diiwaan galiyay 23 kiis oo hor leh oo ah xanuunka saf marka ah ee Coronavirus.

Guddoomiyaha guddigan ahna wasiirka caafimaadka dawlad goboleedka Jubbaland mudane Mursal Maxamad Khaliif ayaa xaqiijiyay in dhammaan kiisaskan cusub laga helay magaalada Kismaayo kadib markii xanuunkan laga baadhay 36 ruux oo magaalada ku sugan.

2 kamid ah bukaannadan cusub ee la diiwaan galiyay ayaa ah dumar halka 21ka kalena ay rag yihiin.

Tirada guud ee dadka uu ilaa haatan xanuunkan ku soo rittay dagmooyinka Jubbaland gaar ahaanna magaalada Kismaayo ayaa sidan ku noqonaysa 29 kiis.

Ma jiraan wax dhimasho ah oo uu guddigu xaqiijiyay in ay Jubbaland ugu dhinteen xanuunkan saf marka ah hasayeeshee waxaa jira tiro kiisas ah oo laga shakisanyahay natiijada baadhitaannadoodana maalmaha foodda inagu soo haya la filayo in la shaaciyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment