1404 Views

Wasiirka Caafimaadka Guinea oo sheegay in mar kale laga helay Dalkaasi Cudurka Ebola ..

Wasiirka Caafimaadka Guinea  oo sheegay in mar kale laga helay Dalkaasi  Cudurka Ebola ..
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Ugu yaraan afar ruux ayaa cudurka dilaaga ah ee Ebola ugu geeriyootey wadanka Koonfurta  wadanka Guinea, sida ay sheegeyaan saraakiisha Caafimaadka ee Dalkaasi.

Gobalka Nazirikore oo ku yaala Koonfurta Dalkaasi  ayaa waxaa lagu arkey dad qaba Astaama muunjineya Cudurkaan Ebola, ka sokow Afarta qof ee Gobalkaasi ugu dhintey Xanuunkaan.

Markii ugu dambeysey ee lagu arko kiisaska Ebola ee wadankaasi ayaa waxaa ay ahayd Sanadkii 2016, waxaana hadda Ebola la ildaran ugu yaraantii Sideed qof.


Wasiirka Caafimaadka dalkaasi Remy Lamah ayaa waxaa uu sheegey in ay dalkaasi Ebola ugu geeriyoodeen 2013-kii, in kabadan 11, 300 oo Qof hadana  ay aad ugu walacsanyihiin kiisaskaan Cusub.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post