855 Views

SAWIRO:-Galmudug oo faah faahisay howlgalka ka bilaawday Gaalkacyo

SAWIRO:-Galmudug oo faah faahisay howlgalka ka bilaawday Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-24-2020–Ciidanka Booliska & Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa Magaalada gaalkacyo qeybta Galmudug ka bilaabay howlgallo lagu sugayo Ammaanka, kaas oo laga sameynayo wadooyinka dhex-mara Magaalada.

Howlgalka ayaa ah mid ka dhan ah gadiidka leh muyaaradaha madoow ee beensalka loo yaqaano,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud loogana warqabo cidda saaran gaadiidkasta oo soo gala magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid ka dhan ah gaadiidka Muraayadaha madow iyo dadka wata hubka sharci darrada ah.

Waxaa uu sheegya in intii ay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ku jireen howlgalka ay soo qabteen dad Magaalada Gaalkacyo ku dhex watay hub sharci darro ah, isla markaana dadkaasi la maxkamdeyn doono.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa u mahadceliyay Ciidamada qeybahooda kala Duwan ee maanta howlgalka lagu fulinayo Amarkii ka soo baxay Maamulka ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo,waxaana uu sheegay in uusan jiri doonin shaqsi qoray la dhex-mari kara Magaalada.

Howlgalkan ay Ciidamada Booliska Galmudug ka bilaabeen Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu daba socdaa amar dhawaan kasoo baxay Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug, kaas oo ahaa in la mamnuucay gaadiidka muraadayaha Madow ee beensalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post