747 Views

Ciidamada Somaliland oo la wareegay degmo katirsan Gobolka Sool

Ciidamada Somaliland oo la wareegay degmo katirsan Gobolka Sool
____________________________________________________________________________

Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ayaa Maanta qabsaday degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool oo ahayd degmada keliya ee ka maqneed gacanta Somaliland kana tirsan Gobolka Sool.

Degmada Boocame ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku sugnaa Ciidamo tiro yar oo katirsan Puntland iyo maleeshiyaad degaanka ah balse ay Maanta la wareegeen Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay Bartamaha degmada Boocame, iyaga oo halkaasi ka sameeyay dhoolatus ay ugu dabaal degayeen 31 sano guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa cutubyo katirsan Ciidamada Somaliland ay ku sugnaayeen duleedka degmada Boocame, iyaga oo doonayay inay gacabta ku higaan balse ugu dambeyn ay Maanta la wareegeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post