525 Views

Dagaal kulul oo ka bilaawday Hiiraan Goor dhawayd una dhaxeeyo ciidamada HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

Dagaal kulul oo ka bilaawday  Hiiraan Goor dhawayd una dhaxeeyo ciidamada HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.
____________________________________________________________________________


Axad: January 2, 2022

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow uu dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka mid ah saraakiisha haatan kasoo horjeedo maamulka.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yimid, kadib markii ciidamada HirShabelle oo kaashaanaya kuwa dowladda, gaar ahaan qeynta 27-aad ee Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen fariisiin ay ciidamada sarkaalkaasi ka sameysteen duleedka dhinaca waqooyi ee  magaalada, waxaanka halkaasi haatan ka socda iska hor imaad u dhexeeyo labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka socdo deegaanka Qowlad, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kal duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli rasaas xoogan laga maqlayaa duleedka Beledweyne.

https://047359b9be40dc59864b32ce8e86284d.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Dagaalkan ayaa daba socda iska hor imaad habeenkii Jimcaha ka dhacay Beledweyne, kadib markii la weeraray kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo ka hadlay xiisaddaas ayaa hanjabaad u diray saraakiisha kasoo horjeeda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, wuxuuna sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga, sidoo kalena ay ka hortagi doonaan dadka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post