1134 Views

Xildhibaan 9 Su’aalood ka keenay jawaabtii hay’adaha Amniga ee Qarixii G/Banaadir

Xildhibaan 9 Su’aalood ka keenay jawaabtii hay’adaha Amniga ee Qarixii G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 10, 2019 —Ku dhawaad 20 Csho kadib Wasaaradda AmnigaXukuumadda Soomaaliya waxaa ay warbiixn hordhac ah kazoo saartay qarixii khasaaraha badan geystay ee ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo ay ku geeriyooday Xubno uu ka mid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ilaa 9 Su’aalood ka keenay qaraxaas iyo jawaabtii ay ka bixisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, isaga oo dhaliilay Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Warbixin uu Bartiisa Facebook kusoo qoray Xildhibaan Mahad Salaad.

Wasaarada Amniga shalay waxay soo saartay warbixin aan wax nuxur ah lahayn, dhammaystirnayn, kana jawaabayn su’aalo aad muhiim u ah; sida:

1: Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee sidaas u weyn iyo sida uu ku soo galay goobta shirka?

2:  Qofka warbixintu sheegtay inuu is qarxiyay, sidee uga mid noqday madaxda gobolka, muddada uu ka shaqaynayay, habka uu shaqada ku soo galay, cidda shaqaalaysiisay iyo habraaca loo maray shaqaalaysiintiisa?

3:  Yaa mas’uul ka ahaa baarista albaabada, maxaa tallaabo ah oo laga qaaday saraakiishii gaboodfalkaas amni sameeyay, immisa qof ayaana loo xiray dhacdadaan naxdinta leh?

4:  Maxaa loo damiyay kaamarada ku xirneed hoolka shirarka ee qaraxu ka dhacay kahor intii uusan qaraxu dhicin?

5:  Saraakiishii yimid goobta qaraxu ka dhacay maxay ula baxeen xog-kaydiyaalkii Kaamarooyinka ku xirnaa xarunta gobolka (Camera Memory), iyadoo ay joogto hay’adii ku shaqada lahayd ee Dambi Baarista (CID)?

6:  Saraakiishii ku fashilmay ilaalinta amniga xarunta gobolka Banaadir sidee loogu aaminay in ay qayb ka noqdaan gudigii baaritaanada sameynayay?

7:  Ma dhici kartaa inay jiraan shaqaale ama madax kale oo iyagana ka tirsan argagixisada oo wali ka shaqeeya xarunta gobolka Banaadir diyaarna u ah fulinta falal kuwaan oo kale ah amaba ka sii foolxun?

8:  Haddii xaruntii gobolka Banaadir ee amnigeedu aadka u adkaa sidaan loo beegsaday, ma dhici kartaa in xarumaha kale ee dowladda in iyaguna ay dayacan yihiin sida: Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Barlamaanka iyo Garoonka diyaaradaha?

9:  Haddii warbxinta aanay dhammaystirnayn, laba todobaad kadib, goorma ayeey soo dhammaystirmaysaa?

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment