1800 Views

Tirada dadka ku dhintay Shil tareen oo ka dhacay Twain oo sii korortay

Tirada dadka ku dhintay Shil tareen oo ka dhacay Twain oo sii korortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 02, 2021–Ugu yaraan36 qof ayaa ku dhintey iyadoo tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen ka dib markii tareen uu ka leexday qadkii loogu tala galay Twain sida ay kusoo warantay warbahinta gudaha.

Samatabbixiyeyaasha ayaa wali la dagaallamaya sidii ay u gaari lahaayeen gaadiid badan oo shilka ku burburay iyadoo dad badan la soo sheegay inay dhaawacmeen.

Musiibada ayaa ka dhacday bariga Taiwan jimcihii waaxda dab damiska ee degaanka ayaa sheegtay in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Tareenada ee Taiwan ayaa lagu soo warramay inay sheegeen in cillad bixinta ay dhacday 9:28 subaxnimo tareenka 408 Taroko.

Tareenka, oo u socdaalayay Taitung, ayaa ka soo baxay biraha tunel ee waqooyiga Hualien taasoo keentay in gawaarida qaar ay ku dhacaan derbiga tunnelka, waaxda dab-damiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post