729 Views

Safaaradda Mareykanka ee Ethiopia oo digniin u jeedisay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool dalka Ethiopia.

Safaaradda Mareykanka ee  Ethiopia oo  digniin u jeedisay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool dalka Ethiopia.
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

Safaaradda Mareykanka ee waddanka Ethiopia, ayaa bayaan ay soo saartay waxay digniin u jeedisay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool dalka Ethiopia.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Ethiopia ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lugaha la galay dagaalo, loona baahanyahay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan taxadar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa.

War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Ethiopia in ay si dhab ah u qaataan bayaanka ka soo baxay safaaradda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post