729 Views

22 qof oo ku dhintay dagaal dhex-maray Beeraleey iyo xoola dhaqato

22 qof oo ku dhintay dagaal dhex-maray Beeraleey iyo xoola dhaqato
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 09, 2021 —Mas’uuliyiinta dalka Chad waxay sheegeen in 22 qof ay dhinteen halka 18 ay dhaawacmeen kadib markii uu dagaal dhexmaray dad xoolo dhaqato iyo beeraley ku sugnaa gobolka galbeedka ku yaalla ee Hadjer-Lamis.

Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Abdramane Koulamallah ayaa sheegay in ciidamo loo diray gobolka ay dhibataadan ka dhacday si xiisadda ay u dejiyaan.

Colaadda ka dhex taagan dadka beeraleyda ah iyo carabta xoolo dhaqatada ah ayaa ah mid marar badan soo laba kacleysay oo ay dad badan ku dhinteen.

Barasaabka gobolka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in dagaalka uu Sabtidii ka qarxay halkaas kaas u dhexeeyay dadka Boulala iyo bulshada carabta ee xoolo dhaqatada ah

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post