1836 Views

Sawiro:-Madaxweyne Dani Oo Maanta Sirasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Sawiro:-Madaxweyne Dani Oo Maanta Sirasmi Ah Xilka Ula Wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 14, 2019 —Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Maanta xilalka sirasmi ah ula wareegeen.

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabada xil wareejinta,waxaana goobjoog ka ahaa,Madaxweyne Siciid Deni,ku xigeenkiisa,Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Gaas iyo marti sharaf kale.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkisii hore Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxaa ay xilalkii sirasmi ah ugu wareejiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee dhawaan lagu doortay Magalada Garoowe.

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa Sanadkii 2013 waxaa dhistay Xukuumadii uu hoggaaminayay Madaxweynihi hore ee Puntland Sanoter Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole,waxaana Maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilalka kula wareegeen Madaxweyne Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment