1059 Views

Joe Biden oo NATO u xaqiijiyay in dalkiisu taageero u hayo isbahaysiga NATO

Joe Biden oo   NATO u xaqiijiyay in dalkiisu taageero  u hayo isbahaysiga NATO
____________________________________________________________________________

Jiune 14 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa gaashaanbuurta NATO u xaqiijiyay in dalkiisu ay ka go’an tahay taageerada uu u hayo isbahaysiga, isagoo qeexay sida uu ururkaasi muhiim ugu yahay danaha Ameerika, xilli shirka madaxda diirradda lagu saarayo loolanka uga imanayo Shiinaha iyo Ruushka. Wuxuu intaas ku daray inuu doonayo in dhammaan dalalka Yurub ay ogaadaan in mareykanku garab taagan yahay.

Xoghayaha Guud ee isbahaysigaasi ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in shirkan uu imanayo xilli aad muhiim ugu ah gaashaanbuurta.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah arrimaha ugu waa wayn ee halkaas la iskula soo qaadi doono ay tahay xiriirka Ruushka, kaas oo uu ku tilmaamay inuu gaaray heerkii ugu hooseeyay, tan iyo dhammaadka dagaalkii qaboobaa, maadaama buu yiri Moscow ay sii waddo daandaansiga.

Dhanka kale, wadaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in uu doonayo inuu madaxweyne Biden ka maqlo go’aan cad oo ah in xubnaha gaashaanbuurta NATO ay diyaarinayaan qorshe cad oo ku aaddan Ukrain iyo kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post