2442 Views

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiiday heshiis

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiiday heshiis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2018 – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha Soomaaliyeed, farsamada ku bixi doonta iyo tabobarada ayey ka caawin doontaa, waxaana ay Dowladda Pakistan ku bixin doontaa $10.5 Milyan si loo hirgeliyo mashruucaas.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sarreeya dalkaas oo uu ugu horreeyo R/Wasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi, Wasiirka Lacagta Pakistan Miftah Ismail iyo Agaasimaha NADRA iyo masuuliyiin kale.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa metelayey Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha Abdullahi Farah Wehliye, Safiirka u qaabilsan Soomaaliya Pakistan Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, Dr. Nur Diiriye Hersi iyo masuuliyiin kale

somalia-Pakistaaan-2 somalia-Pakistaaan-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment