450 Views

Taagerayaasha Farmaajo oo la Yimid Qorshe Yaab leh(Xog)

Taagerayaasha Farmaajo oo la Yimid Qorshe Yaab leh(Xog)
____________________________________________________________________________

Khamiis:May 26,. 2022

Koxda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa billaabay olole yaab leh oo ay dadka uga dhaadhicinayaan in qaaraan dadweyne loo ururinayo Farmaajo.

Qaaraankaan loo uruurinayo Farmaajo, oo ay sheegeen in guri loogu dhisayo, iyagoo ku andacoonaya in wax hanti ah uusan leexsan intii uu joogay xukunka, taas oo dad badan ay shaki gelinayaan.

Ololahaan oo ay wadaan kooxaha CBB ee Farmaajo ka taageera baraha bulshada waxaa hor boodaya Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal uu baahiyey wuxuu ku sheegay in qorshaha ay shacabku guriga ugu dhisayaan Madaxweyne Farmaajo uu socodo, isla markaana ay wadaan fikrad uruurin ku saabsan hanaankii lacagaha shacabku ku deeqayaan loo soo xareynayo, sida Akoonada Bangiyada iyo telefanadii la isticmaali lahaa iyo shirkadda qandaraaska dhismaha gurigaas qaadaneysa.

nta badan dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ayaa baraha bulshada ka billaabay falcelin ka dhan ah arrintaan oo ay ku sheegeen marin habaabin indhaha dadka looga leexinayo tuhunnada la xariira in Farmaajo lunsaday hanti badan.

Dadka arrintan naqdinaya ayaa rumeysan inay tahay qorshe gogol xaar looga dhigayo isticmaalka kharashkii u aruuray Farmaajo intii uu xukunka joogay, waxaana la sheegay in ugu horeyn uu guri ka dhisanayo magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa hadda Muqdisho ka degan guri bishii lagu kireeyey 25 kun oo dollar, taasi oo dhalineysa su’aasha ah cidda bixineysa lacagtaas.

Farmaajo ayaa markii uu qabtay xukunka wuxuu mushaarka Madaxweynuhu oo ahaa 8 kun oo dollar bishii ka dhigtay 60 kun, taas oo aad loola yaabay, kana turjumeyn marxalada dhaqaale ee Soomaaliya ka jirta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post