573 Views

Puntland oo ku guulaysatay in la kala qaado labadii dhinac ee ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG

Puntland oo ku guulaysatay in la  kala qaado labadii dhinac ee ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Xukuumadda Puntland, ayaa ku guulaysatay in si rasmiya loo kala qaado labadii dhinac ee ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG, kadib markii halkaas ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiinta oo kaashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac, ayaa fuliyay amarkii ka soo baxay dowladda oo ku saabsanaa in laga guuro dhammaan dhulka lagu dagaallamay.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale ku sugan tuulada SAAX-MAYGAAG, kuwaas oo u xil-saaran in ay fuliyaan amarka dowladda, islamarkaana xaqiijiyaan nabad-geliyada degaankaas.

Sidoo kale, dowladda ayaa mamnuucday in wax degaamayn ah laga sameeyo dhul-daaqsimeedka SAAX-MAYGAAG IYO SANGE-JEBIYE, si loo xakameeyo colaadda ku salaysan muranka dhuleed ee u dhexaysa labada dhinac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post