981 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmaya Ergada Shirka Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmaya Ergada Shirka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ku hoyday Magalada dhuusamareeb aya alagu wadaa in Maanta uu kulamo kala duwan uu la qaato ergada ka qeyb-galeysa Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in kulamada Ra’iisul Wasaaraha looga hadli mdoono dardar-gelinta Galmudug mideysan oo loo dhan yahay,isla markaana Ra’iisul Wasaaraha uu rajeynayo in wax badan uu kusoo kordhin doona dib ugu soo laabashadiisa Magalada Dhuusamareeb.

 

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha uu Maalinta berito ah uu furi doono Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug,isla markaana dhamaan ergadii shirkaasi ka qeyb-geli laheyd ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment