732 Views

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Maanta ka shiraya hanaanka doorashada Golaha Shacabka

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Maanta ka shiraya hanaanka doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 9, 2021

Maanta oo Khamiis ayaa waxaa lagu wadaa in Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ay kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay kaga hadlayaan arrimo kale duwan.

Shirka ayaa todobaadkaan ka duwan todobaadyadii hore, waxaana Maanta looga hadlayaa hanaanka loo bilaabayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Maamulka Jubbaland ayaa ka duwan Maamulada kale, waxaana kaliya uu Maamulayaa qeyb kamid ah dooraahada Xildhibaannada Golaha Shacabka halka qeybta kale ee ka dhaceysa doorashadooda degmada Garbahaareey ay Maamulayaan Maamulka Gedo oo ay Magacaawday dowladda Soomaaliya.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa bilaabay doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, taas oo durba qeylo ka timid halka Maamulada kale ee Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Puntland ay kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post