471 Views

Madaxweyne Guudlaawe: “Jowhar waxaa ka dhici doona doorasho hufan oo si dhab ah loogu tartamo”

Madaxweyne Guudlaawe: “Jowhar waxaa ka dhici doona doorasho hufan oo si dhab ah loogu tartamo”
____________________________________________________________________________


Isniin: September 6, 2021

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe Xuseen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Gudiyada Hirgalinta doorashooyinka Federaal Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.

Cali Guudlaawe ayaa kulankaan warbixin la xiriirta Arrimaha Doorashooyinka uga dhageystay gudiyadan gaar ahaan Doorashada Aqalka sare, isagoo balan qaaday in Hirshabeelle ay ka dhici doonto doorasho hufan oo si dhab ah loogu tartamo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xusseen ayaa dambeyn gudiga Heer Federal iyo Kan Dowladda Hirshabeelle ku booriyay dadejinta Arrimaha hortabinta leh ee Doorashooyinka iyo in si cadaalad ah loogu adeego musharixiinta.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa shalay qoraal ay soo saareen kaga dalbaday Madawexweyne Cali Guudlaawe inuu soo magacaabo Musharaxiinta aqalka sare ku metelaya Maamulkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post