735 Views

Shirka Wadajirka Amniga Mudug oo Gaalkacyo ka furmay

Shirka Wadajirka Amniga Mudug oo Gaalkacyo ka furmay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 26 2020
—Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa maantay shir guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay ka soo wada qeybgaleen laba talis Boolis, Laba talis Sirdoon, Guddoonka maamulka Gobolka Mudug iyo labada guddoomiye ee degmada Gaalkacyo.

Shirka Amniga labada maamul ayaa daba-socda heshiiskii shirkii labada madaxweyne iyo wafdiyadii ay kala hogaaminayeen ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo 26 – 27 Juun 2020, laguna heshiiyey; iskaashi dhanka amniga ah, xoojinta nabadaynta iyo dibuheshiinta iyo iskaashi dhanka horumarinta dhaqaalaha ah.

Qodobada iyo ajanadaha  Shirka amniga ee maantay dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa: Qiimayn lagu sameeyey saddexdii bilood ee u danbaysay ee  iskaashigu dhexmaray hey’adaha amniga labada maamul ee PUNTLAND iyo GALMUDUG, qaabka ugu wanaagsan ee loo sii xoojin karo iskaashigaas heerka sare gaaray, iyo in tallaabooyin Wadajir ah laga qaado gaadiidka canshuuraha la baxsada iyo burcadda geela dhacda.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa la bogaadiyey horumarka laga gaaray amniga, iskaashiga iyo kalsoonida dhexmaray hey’adaha kala duwan ee maamulka iyo amniga Gobolka Mudug, ayadoo lagu heshiiyey; In bishiiba laba jeer kulamo heer gobol iyo degmaba ah la yeesho oo maamullada iyo hey’adaha amnigu ay ka soo wada qeybgalaan, isla markaana shir saddex biloodle ah la qabto kaasoo ay ka soo qeybgalayaan wasiirada amniga GALMUDUG iyo PUNTLAND.

Shirka ayaa waxgaradka iyo shacabka gobolka Mudug ugu baaqay In nabadda iyo xasiloonida la adkeeyo, lalana shaqeeyo hey’adaha amniga.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post