468 Views

Galmudug & Hay’adaha Caalamiga ah oo ka wada hadlay waxka qabashada Abaaraha

Galmudug & Hay’adaha Caalamiga ah oo ka wada hadlay waxka qabashada Abaaraha
____________________________________________________________________________

Madaxweyne Kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shirar isdaba joog ah la yeeshay Hay’adaha Caalamiga ah yo saxiibada taageera Soomaaliya.

Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha iyo sidii xoogga loo saari lahaa horumarinta dhinaca caafimaadka ah ee degaannada Galmudug.

Sidoo kale Hay’adaha uu la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa kamid ah Hay’adaha ICRC, MSF, CISP iyo Italian Cooperation, iyaga oo dhamaantood ay balan qadeen in sanadkan ay ballaarin doonaan howlaha ay kawadaan degaannada Galmudug.

” Waxaan rajo badan ka qabaa in muddo kooban la arki doono miradhalka shirarkaas kala duwan ee Hay’adaha Caalamiga ah yo saxiibada taageera Soomaaliya aan kula yeeshay Magaalada Nairobi ayuu yiri” Cali Daahir Ciid.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada au xilligaan kajirto abaarta, waxaana ilaa iyo hadda jirin hay’ado gargaar oo gurmad gaarsiiyay, halka Madaxda Galmudug ay ku mashquul sanaayeen Arrimaha doorashooyinka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post