564 Views

Hogaamiyayaasha Soomaalida oo si wadajir ah uga tacsiyeeyay geerida ku timid Khadra Daahir Cigge

Hogaamiyayaasha Soomaalida oo si wadajir ah uga tacsiyeeyay geerida ku timid Khadra Daahir Cigge
____________________________________________________________________________


.

Axad: July 3, 2022

Hogaamiyayaasha Soomalida ayaa si wada jir ah uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Fannnaanadii Caanka ahayd Khadra Daahir Cige oo xalay ku geeriyooday magaalada hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madaxweynaha JFS Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Madaxweeynayasha doowlad goboleedyadda madaxweynayaashii hore, gudoonka labada golle, siyaasiyiin, iyo dhammaan bulshadda Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allah unaxariistee Khadra Daahir Cige.

Waxa ay Allah uga baryeen dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed in uu Allah ka waraabiyo janatul Firdowsa, una fududeeyo suaasha qabriga, iyagoona xusay kalintii ay kaga jirtay fanka Soomaaliyeed.

Allah unaxariistee Khadra Daahir Cige ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsaneed isbitaalka Magaalada Hargeysa, waxa ayna fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii sida ay ku sheegtay wareeysiyo hore ay bixisay

Heesteedi ugu horreysay waxaa u dhiibay macallinkeeda maaddada carabiga, kaasi oo u dhiibay heeskeedi kowaad ee ahayd Hawl iyo Dadweynoow waxa ayna aheeyd hees wadani ah.

Fannaanadda Codka halaasiga laheyd waxay fanka ka baxaday sanaadkii 2002-dii waxay dhawaanahaan ku noolayd magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tageysay sannadkiiba mar taasi oo ay sheegtay inay caruurteeda soo eegto.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post