747 Views

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha  Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Munaasabad kooban oo Maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilalka kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.

Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaannada Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha Cusub Luqmaan Xaaji Muxumad, halka iyana Guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaad ee xilka la wareegeen.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cusmaan Barre waxyaabihii uu qabtay intii uu xilka haayay, isla markaana uu doorweyn ku leeyahay dhismaha Hir-Shabeelle.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre ayaa Guddoomiyaha Cusub ugu hambaleeyay xilka loo dooryay, isaga oo ugu baqay in uu dardar geliyo Shaqooyinka horyaalla, isla markaana dhankiisa uu la Shaqeyn  doono.

Maalinta Arbacada ah ee todobaaadkaan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la sheegay in ilaa iyo hadda uu u sharaxan yahay Cali Guudlawe Xuseen oo ah Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post