1965 Views

Dowladda oo faahfaahisay weerarkii iyo qaraxyadii ka dhacay Otto Otto

Dowladda oo faahfaahisay weerarkii iyo qaraxyadii ka dhacay Otto Otto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 7, 2018 – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Qaraxydii iyo sidoo kale Weerarkii maanta ka dhacay xarunta Otta Otta oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba lasoo Afjaray Weerarkii  Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, waxaana uu tilmaamay in Caafimaad dibadda ah loo qaadi doona dadkii maanta ay waxyeelado soo gaartay ee aan dalka wax looga qabankarin.

Dadka dhintay ayaa u badan shaqaalihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya sidda uu sheegay wasiirka.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment