1584 Views

Suucudiga iyo Imaaraadka oo dagaal ku haya Haweenka Muslimiinta ah ee galay Kongareeska Mareykanka.

Suucudiga iyo Imaaraadka oo dagaal ku haya Haweenka Muslimiinta ah ee galay Kongareeska Mareykanka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 12, 2018 —Kaddib doorashooyinkii waqtiga dhexe ee Mareykanka aqalka hoose ee Mareykanka waxaa ku biiray Haween Muslimiin ah,waxaa ka mid ah Rashida Dayibi iyo Ilhan Cumar iyo Abdul El-Sayed oo u tartamay Guddoomiyaha Gobolka Michigan inkasta oo uusan ku guuleysan.

Inta badan Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka aya Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyay in uu Kongareeska Mareykanka u beddelayo Jamhuuriyad Islaami ah.

Warbaahinta u janjeerta Dhinaca Jamhuuriga ayaa sidoo kale ololaha ka dhanka ah Haweenka Muslimiinta ah ee Mareykanka ka waday dhinacooda.

Laakiin dhinaca dibadda Mareykanka ayey markan ka timid,Waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka,madaxda dowladda iyo Warbaahinnada taageersan ayaa baahiyana maqaallo iyo warbiixinno ka dhan ah Haweenka.

Inta badan waxaa ay ku eedeeynayaan in ay ka tirsanyihiin Ururka  Walaalaha Muslimiinta (Ikhwaanul Muslimiin),waxaana ay baahinayaan dacaayado joogto ah oo ka dhan ah Haweenkaas.

Ilhaan waxaa ay ka soo jeeddaa Soomaaliya halka Rashiidda ay ka soo jeeddo Falastiin,labadaba waxaa ay ka midyihiin xubnaha ku cusub aqalka hoose ee Mareykanka,waxaana ay wadaan dadaal ay ku doonayaan in iyaga oo madax daboolan ay galaan Kongareeska maaddaama xeerkaas 181 Sano uu ka maqnaa Mareykanka.

Wargeyska Al-Carabiya ee Sucuudiga ayaa Axaddii daabacay maqaal uu labada Gabdhood ku eedeynayo in ay taageersanyihiin Ikhwaanul Muslimiin,sidoo kalena necebyihiin siyaasadda Donald Trump.

Sidoo kale TV-ga Dowladda Sucuudiga ay leedahay ee MBC, ayaa qabtay dood ku saabsan Haweenka Muslimiinta ah,waxaa ka qeybgeleyay falanqeeyayaal Masaari iyo Sucuudi ah,waxaana ay labadaba ka mideysnaayeen eedda ka dhanka ah Gabdhaha Muslimiinta ah.

Eedaha Ilham loo heysto waxaa ka mid ah in ay tahay Yamaniyad ka mid ah Xuutiyiinta sidoo kalena u daacad ah ama taageerta Ururka Ikhwaanul Muslimiinta ah.

Wargeyska Yowmu Sabca ee dalka Masar ayaa ka mid ah Warbaahinta carbeed ee eedaha iyo dacaayadaha ka dhanka ah Gabdhaha Muslimiinta ah ee  ku biiray Kongareeska Mareykanka.

Najaad Al-Saciid oo u dhalatay Imaaraadka ayaa warbaahinta carabta ku eedeysay in ay u dabaaldageen guusha Ilhaam iyo Rashiidda,waxaana ay sidoo kale sheegtay in Hay’adda Muslimiinta Mareykanka ee CAIR ay soo dhaweysay guusha Gabdhaha,taas oo ay Najaad ku sheegtay in ay caddeyn u tahay ka mid ahaanshahooda Ikhwaanul Muslimiin.

Isha: foreignpolicy.com

Soomaaliyeeyay: Adam Ibrahim Faarax .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment