336 Views

Fatahaado xoogan oo xalay fiidkii ku soo rogmaday khasaarana dhaliyay oo go’doomiyay magaalada Qardho

Fatahaado xoogan oo  xalay fiidkii ku soo rogmaday  khasaarana dhaliyay oo go’doomiyay magaalada Qardho
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Fatahaado xoogan ayaa xalay fiidkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee maamul-goboleedka Puntland, kaddib markii roobab xooggan ay isla xalayilaa shalay galab ka da’deen deegaanno ka ag dhow magaaladaasi.

In kastoo aan khasaare rasmi ah la soo sheegin haddana wararka waxay sheegayaan in biyaha ay go’doomiyeen dad badan oo ku nool xaafahadaha qaar.

Waxaana xalay magaalada ka go’day korontada, arrintaa oo adkeysay in dadku ay isu gurmadaan.

Laba sano ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay daadad xooggan ku dhufteen magaalada Qardho kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar ee ay Qardho ka tirsan tahay, Cabdi Saciid Cismaan ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay daadadka iyo dadaallada gurmadka ah ee ka socday halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post