87 Views

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiira Cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiira Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka xukuumaadda Soomaaliya ayaa loo magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),sidoo kale wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeenta Soomaaliya ayaa isna loo.magacaabay Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).

Ismail Abdirahman Sheikh Bashir ayaa laga qaaday xilka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta,halka Maxamed Madoobe Nunow aya isna laga qaaday xilka wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post