1569 Views

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday labo askari

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday labo askari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 2018 – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybteeda 60-aad ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku ridday labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida qeybta 60aad   Aadan Abuukar ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ah Labadaasi Askari lagu xukumay.

Askartaan Maanta dilka lagu xukumay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Xuseen Cali Macalin, oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed iyo C/waaxid Cali Sh. Aadan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu eedeeyay in ay dileen qof Shacabka ah, islamarkaana ay u dileen si kas ah.

Ninka ay dileen ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cr/raxmaan oo ay dileen  18-6-2018.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment