381 Views

Shacabka Kenya oo bari u dareerayo Doorashada Madaxweynaha iyo cabsi soo wajahday shacabka Kenya

Shacabka Kenya oo bari u dareerayo Doorashada Madaxweynaha iyo cabsi soo wajahday shacabka Kenya
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 8, 2022

Wararka ka imaanaya magaalada  Dalka Kenya ayaa sheegaya in Shacabka Kenya ay Bari oo  Talaadado ah u codeynaya in ay doortaan madaxweynihii bedeli lahaa Uhuru Kenyatta oo muddo toban sano ah xukunka hayay.

Wararka ayaa sheegaya in Tartankan uu yahay mid ka adag labadii doorasho ee hore, oo ay cabsi badan Dul Hogan tahay.

 
Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad waa Raila Odinga, oo ah hogaamiyaha mucaaradka oo markii shanaad isku soo taagay qabashada xilka madaxtinimo, kaasi oo taageero ka helaya Kenyatta oo ay doorashooyinkii hore loollameen. Musharraxa kale ayaa William Ruto, ku xigeenka Kenyatta oo ay isaga iyo madaxweynaha ay xurgufi u dhaxeyso.

sidoo kale Labada musharrax ayaa doonaya in ay xoogga saaraan arrimaha gudaha, taasi oo su’aal gelineysa in ay raaci doonaan dadaalladii dublumaasiyadeed ee Kenyatta uu ku doonayay in uu ku dhimo colaadda dalka deriska ah ee Ethiopia amaba muranka u dhaxeeya Rwanda iyo Congo.

Dhinaca kale waxaa jira cabsi xoogan oo ka taagan sida ay Noqon doonto saacadaha soo socda Doorashada Kenya, xili laga cabsi qabo in uu ka dhasho gacan ka hadal sida caadada u ah Doorashooyinka ka dhaca afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post