1662 Views

Ciidamada Amaanka Oo Howlgal Ku Qabtay Rag Iyo Dumar Sameynayay Maandooriye

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 6, 2018, 2018 Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayey Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ka sameeyeen Xaafada kaabo godey ee degmada Dharkeenley waxaana lagusoo qabtay rag iyo dumar ku sugnaa guriga uu bartilmaameedka howlgalku ku wajahnaa oo lagu sameynaayey walxaha maanka dooriya.

Howlgalka ayaa lagusoo qabtay calaq jiirgaamo ku cabeysnaa iyo xashiish lagu sameynaayey Walxaha maanka dooriya oo kooxda ku shaqeysan jirtay, Saraakiisha howlgalkan hoggaaminaayey ayaa sheegay in gurigan uu ahaa goob saldhig u ah ganacsiga walxaha maanka dooriya.

fhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in howlgalada lagula dirirayo walxaha maanka dooriya oo dhibaato badan ku leh Nolasha bulshada ay si gaar ah ciidamada ula dagaalami doonaan oo uusan howlagalkani noqon doonin kii ugu danbeeyey.

Wada shaqeyn dhex martay Ciidamada Booliska iyo Dadka deeganka ee ku sugan xaafada Kaabo godey oo howlgalkani laga fuliyey ayaa fududeeyey in howshani sidii loogu tala galey ay u dhacdo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment