201 Views

Wasiirka Qorshenynta oo kula dardaarmay Agaasimeyaasha Waaxyaha inay xoojiyaan Isla-xisaabtanka

Wasiirka Qorshenynta oo kula dardaarmay Agaasimeyaasha Waaxyaha inay xoojiyaan Isla-xisaabtanka
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 27, 2022

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo howlaha u qorsheysan Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaqooyinka kala duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaha, ahna Agaasimaha Waaxda kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hay’adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyngta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dhameystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qabyada ah iyo caqabdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaaday habka iyo hannaanka looga faa’iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hay’adaha dowladda heerka fulinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post