159 Views

Milatariga dalka ITOOBIYA oo go’aan culus soo saaray kadib heshiiskii BADDA

Milatariga dalka ITOOBIYA oo go’aan culus soo saaray kadib heshiiskii BADDA
____________________________________________________________________________

Addis Ababa  – Taliska ciidanka milatariga waddanka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska badda ee ay dhowaan dowladdooda la gashay maamulka Somaliland, kana dhacay magaalada Addis Ababab.

Qoraal uu soo saaray milatariga, laguna baahiyay boggooda Fecebook-ga ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay lahaan jirtay bad, xilli dalal badan oo Afrika ah la gumeysan jiray.

Sidoo kale milatariga wuxuu sheegay in ciidamada badda ee Itoobiya la dhisay sanadkii 1948, ayada oo ujeedadu ahayd inay sugaan amniga Badda Cas iyo Cadan.

Arrinta heshiiska oo keentay buuq xoogan waxa ay sheegeen in aysan dhag jalaq usiin doonin, isla-markaana ay naftooda u huri doonaan fulinta heshiiskaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadu sheegtay inuu xagudub ku yahay madax banaanida dalka.

Talisku wuxuu isagu tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid fursad dahabi ah siinaya dalka Itoobiya, uuna soo celinayo taariikhdii hore ee ay lahaayeen siday hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Itoobiya ganacsigeeda uu ku xiran yahay badda, ayna kordhayaan tirada Itoobiyaanka oo kusii socda 150 milyan, sidaas daraadeedna ay xaq u leeyihiin in laga fakiro mustaqbalka dadkaasi, si ay helaan bad iyo marin biyood.

Waxaa kale oo uu milatarigu ku dooday in badda Soomaaliya ay bahalo galeen noqotay, ayna ka faa’iideystaan burcad badeedda iyo argagixisada, sidaas daraadeedna ay arrintaasi halis ku tahay Itoobiya, kana hortegi doonaan, ayaga oo sugayo amniga biyahaasi.

Si kastaba, hadalkan ayaa sii hurinayo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka dhalatay dhaleeceyn xoogan oo ay la kulmeen labada dhinac.

Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qaaday tallaabo ka dhan heshiiska Addis Ababa, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, si ay ula sameyso latashi guud.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post