333 Views

Maraykanka oo Gacanta kusoo dhigay nin kii Dilay afar Nin oo Muslim ah Asbuucii la soo Dhaafay

____________________________________________________________________________

Arbaco:AUGUST 10, 2022

Booliska gobolka New Mexico ee Mareykanka ayaa Talaadadii xiray nin ay sheegeen inuu yahay tuhunsanaha ugu wey ee dilka afar nin oo Muslim ahaa oo ka dhacay magaalada Albuquerque tan iyo bishii November.

Booliska ayaa sheegay in xog ay ka heleen shacabka ay u suurta-gelisay inay helaan baabuur ay rumeysan yihiin in loo adeegsaday dilkii ugu dambeeyey iyo qofka lagu tuhmayo, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Muhammad Syed oo 51 jir ah.

Muhammad Syed ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwadda dilka Aftab Hussein oo ahaa 41, iyo Muhammed Afzaal Hussain oo ahaa 27 jir, kuwaas oo la kala dilay July 26 iyo August 1.

Si kastaba, booliska ayaa rumeysan inuu sidoo kale ka dambeeyey dhammaan afarta dil, sida uu sheegay madax booliska Albuquerque oo Harold Medina oo qabtay shir jaraa’id.

Dhibbanihii ugu dambeeyey, Nayeem Hussain oo ahaa 25 jir wadi jira baabuurta xamuulka, islamarkaana qaatay dhalashada Mareykanka 8-dii July ayaa la dilay Jimcihii tegay, saacado kadib markii uu ka qeyb-galay aaska labadii nin ee la dilay July 26 iyo 1-dii August, kuwaas oo asal ahaan kasoo jeeday Pakistan

Dhibbanihii ugu horreeyey oo ahaa Mohammad Ahmadi oo ahaa 62 jir kasoo jeeday Afghanistan ayaa la dilay 7-dii November 2021.

Booliska ayaa baaray gurigga tuhunsane Muhammad Syed ee koonfurta magaalada Albuquerque kadib markii uu u kaxeeyey baaburka ay xogtiisa soo gudbiyeen shacabka ee la tuhunsan yahay in lagu fuliyey dilkii ugu dambeeyey.

Waxay kasoo heleen dhowr qori iyo caddeymo muujinaya in Muhammad uu garanayey dhibbanayaasha, waxayna sheegeen inay rumeysan yihiin in khilaaf Muhhamad kala dhaxeeyey dhibbanayaasha u uku dhiiri-geliyey inuu dilo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post