1056 Views

Mohamed Salah oo wali ogolaanin inuu saxiixo heshiis cusub oo ay Liverpool u bandhigtay

Mohamed Salah oo  wali ogolaanin inuu saxiixo  heshiis cusub oo ay Liverpool u bandhigtay
____________________________________________________________________________

Sabti: October 23, 202

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa Liverpool u sheegay go’aanka mustaqbalkiisa xilli hadal ka taagan yahay qandaraaskiisa kooxda oo xilli ciyaareedkan socda iyo midka dambe oo kali ahi ka hadhsan yahay heshiiskiisa.

Mohamed Salah ayaan wali ogolaanin inuu saxeexo heshiis cusub oo ay Liverpool u bandhigtay, waxaanu ku xidhay shuruudo adag isagoo dalbanaya mushahar toddobaadkii gaadhaya Nus Malyuun Gini, kaas oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.

Toddobaadkan waxa Ingiriiska gaadhay wakiilka Mohamed Salah oo lagu sawiray iyagoo ku jira hawlo shaqo oo ay ka mid yihiin xayaysiin ay usoo sameeyeen shirkadda Nike, waxaana sababta ugu weyn ee uu wakiilku u tegay ay tahay inuu Liverpool kala hadlo mustaqbalka laacibkan.

29 jirkan oo xilli ciyaareed aad u wanaagsan ku qaadanaya Liverpool ayaa 11 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay waxa uu dhaliyey 12 gool, halka uu sameeyey caawin kale, waxaanu hadda isku diyaarinayaa kulanka Axadda ee Manchester United.

Waxa uu Mohamed Salah tibaaxay in wax walba ay ku jiraan gacanta Liverpool oo kooxdu ay go’aan ka gaadhayso sida ay wax noqonayaan, laakiin isaga uu qorshihiisu yahay inuu sii joogo Anfield, waxaanu yidhi: “Haddii aad aniga i weydiiso, waxaan jeclaan lahaa inaan joogo illaa maalinta ugu dambaysay waayahayga ciyaareed, laakiin anigu wax badan kama odhankaro, gacantaydana kuma jiraan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post