825 Views

Daahir Maxamuud Geelle oo si kulul uga hadlay dilkkiiska Ikran Tahliil

Daahir Maxamuud Geelle oo  si kulul uga hadlay dilkkiiska Ikran Tahliil
____________________________________________________________________________


Sabti: September 4, 2021

Masharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si kulul uga hadlay dilkkiiska Ikran Tahliil oo kamid aheyd Saraakiisha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, taas oo NISA ay sheegtay inay dileen Al-Shabaab, balse Al-Shabaab dhankooda ay biska fogeeyeen.

Musharaxa oo jeediyay kalimad uu kaga hadlayay kiiska Ikraan ayaa marka hore waxaa uu u tacsiyadeeyay ehellada iyo Saaxiibaddii Ikraan Tahliil ay ka geeriyootay, taas oo aheyd Gabar yar oo wax baratay

Waxaa uu sheegay Musharax Daahir Geelle in uu kamid yahay dad ay kujiraan waalidiinta Gabadha ee aan ku qancin warka kasoo baxay Hay’ada NISA ee ahaa inay dileen Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in warkaasi uu abuurayo shaki xoogan.

“ Horay ayan u iri muddo laba sano ku dhow, Hay’adaha dowladda waa inan lagu tababarin gaadmada dadka siyaasiyiinta ah oo aan lagu dhiirigelin, dhibatooyinkii la abuurayay waxaa ay keeneen & warbixinadii ay soo saarayeen in aan lagu kalsooneyn ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Isaga oo sii hadlayay Musharax Daahir Geelle  ayuu ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble inay dadka soo hor-istaagaan, isla markaana ay la wadaan sida ay u dhacday arrinta Ikraan Tahliil.

Ugu dambeyn Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in marnaba aan lagu qanceyn in Guddi baaritan arrintaan loo saaro, isaga oo sheegay in dhacdooyin horay dalka uga dhacay Guddiyo loo saaray aan waxba kasoo bixin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post