1584 Views

Farmaajo oo ka hadlay Sharciyo ay diideen Puntland & Jubbaland

Farmaajo oo ka hadlay Sharciyo ay diideen Puntland & Jubbaland
____________________________________________________________________________

vMuqdisho | QOL | Jimco , Feberaayo 21, 2020 —Madaweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ka hadlay Sharciga doorashooyinka iyo kan Batroolka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal,sidoo kalena uu saxiixay,kaas oo ay horay u qaadaceen Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Sharciga Batroolka uu kasoo bilaawdey heshiiskiisa Shirkii Magaalada Baydhabo ee looga hadlayay arrimaha qeybsiga Kheyraadka dalka,isla markaana uu yahay mid ay ku wada heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimo la xiriira doorashada & sharciga doorashooyinka,waxaana uu sheegay in sidoo kale ay ka wada tashadeen Dowladda iyo Dowlad goboleedyada,isla markaana ay ku heshiiyeen inay dhacdo doorasho qof iyo Cod.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment