912 Views

Xildhibaannada labada Aqal oo kulan Wadajir ah yeelanaya

Xildhibaannada labada Aqal oo kulan Wadajir ah yeelanaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 31–2019 | —Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxa ay Maanta Magaalada muqdisho ku yeelan doonaan kulan wadajir ah.

 

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad Miisaaniyadda Dowladda ee sanada 2020,iyada oo Xildhibaannada labada Aqal xalay lagu wargeliyey in uu jiro kulanka wadajirka ah ee labada Aqal.

 

 

 

Shalay oo Isniin aheyd ayaa Xildhibaannada labada Aqal waxaa ay yeesheen kulanka wadajirka ah, iyaga oo siweyn uga doodey Miisaaniyadda Dowladda ee 2020.

 

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa Xillibaanada labada Aqal u akhriyay Warbixintaasi.

 

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay wadashaqeynta Xildhibaannada labada Aqal,iyaga oo yeeshay kulamo wadajir ah oo dhowr ah,kuwaas oo ay uga doodeen Sharciyo dhowr ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment