1587 Views

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya oo sameeyay howlgal dad lagu qab qabtay

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya oo sameeyay howlgal dad lagu qab qabtay
____________________________________________________________________________

RMoqdisho,August 15, 2021 —Ciidamada nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya qeybta ka howgasha degaannada Koonfur Galbeed ayaa howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay kas ameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Howlgalka oo Ciidamada ay guryaha qaar ku baarayeen ayaa waxaa ay ka sameeyeen 10 Xaafadood ee magaalada Baydhabo , waxaana howlgalka hoggaminayay Taliyaha nabadsugida qeybta Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Mustaf Macalin Isaaq ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta amniga Magaalada Baydhabo, iyada oo la fulinayo Amarkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka ooga hortgayay in Magalada Baydhabo ay ka socdaan doorashooyin ay ku dhex dhuuntan Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo falal amni darro geysan kara, waxaana uu sheegay in howlgalka lagu qabtay dad laga shakisan yahay.

Howlgalka Ciidamada nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya qeybta ka howgasha degaannada Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli magaalada ay ka dhaceen doorashooyi nka Aqalka Sare, sidoo kalena la filayo inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post