471 Views

Maxkamadda ciidamada Galmudug oo xukun ku riday askari horey dil u geystay

Maxkamadda ciidamada  Galmudug oo xukun ku riday askari horey dil u geystay
____________________________________________________________________________

.


Isniin: January 24, 2022

Maxkamada ciidamada qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta u fariisatey dhageeysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadda loo heysto dable Xoogga, Cabdiraxmaan Cabdulahi Axmed Tooxoow ( Taagane) oo  ka tirsan guutada 18-aad ururka 6-aad ee Gor Gor, kuna eedeeysan dil xerada ciidamda GorGor ee duleedka Dhuusamareeb loogu geystay 16-kii bishii 12-aad ee sanadkii tagey, allaha u naxariistee Marxuum ex-dable xoogga Nuuradiin deeq Maxamed oo isla xeradaasi ka tirsanaa.

Guddoomiyaha  maxamada ciidamada qalabka sida ee Qaybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar xasan ayaa soo xiray gunaanadka garmaqalka dacwada,waxa uu ku dhawaaqey xukunka maxkamada oo go’aamisey in Dable xoogga dalka, Cabdiraxmaan Cabdulahi Maxamed Tooxoow ( Taagane) yahay dambiile geystay dilka, laguna xukumey 15-sano oo xabsi ciidan ah iyo boqol halaad oo ah magta marxuumka uu dilay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post