225 Views

Safiirka Mareykanka u fadhiya Ukraine oo sheegtay in tallaabada uu ku dhawaaqay Putin heegan ku gelinayo ciidamadiisa inay tahay ‘astaan muujineysa in uu daciifay’.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Ukraine oo  sheegtay in tallaabada uu ku dhawaaqay Putin heegan ku gelinayo ciidamadiisa inay tahay ‘astaan muujineysa in uu daciifay’.
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 21, 2022

Safiirka Mareykanka u fadhiya Ukraine ayaa sheegtay in tallaabada uu ku dhawaaqay Putin ee uu qeyb ahaan heegan ku gelinayo ciidamadiisa inay tahay ‘astaan muujineysa in uu daciifay’.

“Aftida beenta ah iyo ciidan uruursiga waa astaan muujineysa daciifnimada iyo guuldarrada Ruushka” ayay Bridget Brink oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka.

“Mareykanka waligiis ma aqoonsan doono waxa Ruushka uu sheeganayo inuu qabsaday eeku yaalla Ukraine, waxay nagu qaadataba waan garab taaganahay Ukraine” ayay tiri safiirka Mareykanka ee Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post