822 Views

Puntland oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay Maxaabiis

Puntland oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay Maxaabiis
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 11, 2021–Munaasabad Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Dowlad Goboleedka Puntland ay Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug ku wareejiyeen Maxaabiis u xirneyd Burcad Badeednimo.

Maxaabiistaan oo tiro ahaan gaareysa 15 rag ah ayaa waxaa xabsiga Garoowe ku xirnaayeen in ka badan 10 Sano, waxaana Puntland horay ugu soo wareejiyay kadib heshiis dhex-maray Jasiirada Seychelles ,si ay xukunkooda ugu dhameystaan magaalada Garoowe.

Maxaabiista oo kasoo jeedaan degaannada Galmudug ayaa Wasiiro iyo Xildhibanao ka tirsan Maamulka Galmudug ay dadaal farabadan u galeen sidii Maxaabiista loogu soo wareejin lahaa, balse Puntland ay ogolaatay inay ku wareejiso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ku wareejiyay Maxaabiista, kuwaas oo la keeni doono Magalada Muqdsho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post