1008 Views

Axmed Madoobe oo Hay’adaha Amniga faray inay jawaab ka bixiyaan dilkii Nabadoonka

Axmed Madoobe oo Hay’adaha Amniga faray inay jawaab ka bixiyaan dilkii Nabadoonka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Tacsi u diray dhamaan Shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Saladiinta Jubbaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre oo kamid ahaa Salaadiinta Jubbaland kaas oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo.

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad kuwada noolan shaha Shacabka reer Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada.

 

 

 

Hay”adaha amaanka ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markaana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii falkan ka danbeeyay.

 

Marka laga soo tago hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka xalay Kismayo loogu geystay Suldaan Rashiid Durre.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment