441 Views

Ruushka oo sii Daayay Muuqaal ay kaga Hadleen 500 oo askari oo ay xalay dileen

Ruushka oo sii Daayay Muuqaal ay kaga Hadleen 500 oo askari oo ay xalay dileen
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka ee Ruushka ay weerareen 87 Saldhig oo Milatari oo ku yaalla Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in ilaa 500 oo askari oo Ukraine ah ay ku dhinteen weerarka ay xalay qaadeen. Waxayna sheegeen in laba goobood oo hubka lagu kaydiyo oo ku taala magaalada Kharkiv ay beegsadeen.

Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale barteeda Internet-ka soo dhigtay muuqaal la sheegay in uu muujinayo keydka saldhigyada ciidamada Ukraine, taasi oo askarta Ruushka ay sheegeen in hadda ay la wareegeen.

Taangiyada dagaalka iyo gaadiid kale ayaa halkan lagu arkayaa. BBC ma aysan awoodin inay si madax banaan u xaqiijiso sheegashadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post