1656 Views

Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen Af-Urur

Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen Af-Urur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 20, 2018 – Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Shabaab ayaa baahisay dagaalyahano ururka ka tirsan in saakay aroortii ay dagaal la’aan kula wareegeen gacan ku heynta degaanka Af-Urur oo dhanka Koonfureed kaga toosan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Shabaab qabsashadooda degaankan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii halkaasi shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen ciidanka Puntland ee fariisimha ku lahaa degaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in Shabaab hubeysan oo laba boqol gaaraya ay la wareegeen degaanka, kuwaasi oo maalmihii dambe kulaalayay degaanka iyo hareerahiisa.

Shabaab waxa ay sheegeen in ciidankooda qaar ay tageen difaacyada ciidanka Puntland, halka qaarka kalena ay gaaf wareegayaan aagga degaanka, waxayna intaasi raaciyeen inay kulamo la yeesheen waxgaradka degaanka oo ay u sheegeen inaanay wadin wax dhibaato ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya ciidankii Puntland ee ka baxay degaanka inay u jiheysteen dhanka degaanka Carmo, halkaasi oo ay ka wadaan abaabul dagaal oo ku jeeda sidii markale ay u xaqiijin lahaayeen gacan ku heynta degaanka Af-Urur.

Ilaa hadda saraakiisha ciidamada Puntland kama aanay hadlin warka Shabaab ee ku aadan qabsashada degaanka Af-Urur, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay way inoo suurageli weyday inaan qadka ku helno Masuuliyiinta Maamulkaasi .

Shabaab ayaa inta badan aroortii qaada hawlgalada ay la beegsanayaan ciidanka ka soo horjeeda, sanadkii hore degaanka Af-Urur waxaa ka dhacay dagaalo culus, kadib markii Shabaab ay weerareen ciidanka Puntland.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment