669 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay booqasho ugu tegey ciidamadii dhawaan ku soo dhaawacmay Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelada

Ra’iisul Wasaare Rooble  oo xalay booqasho ugu tegey ciidamadii dhawaan ku soo dhaawacmay Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelada
____________________________________________________________________________

April 06, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay booqasho ugu tegey ciidamadii dhawaan ku soo dhaawacmay dagaaladii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyadii ciidamada xoogga ay ku leeyihiin Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey ciidanka difaaca dalkooda u dhaawacmay in Allah uu caafiyo oo u booga dhayo.

Intii uu booqashada ku jirey Raisal Wasaare Rooble wuxu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Xoogga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxu dhaawacyada u ballan qaaday in dowladdoodu hiil iyo hooba la garab taagnaan doonto illaa iyo inta ay ka soo bogsoonayaan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post