882 Views

Ruushka oo dagaalyahano Suuriyaan ah ka dagaalama magaalada Kyiv gaynaya

Ruushka oo dagaalyahano Suuriyaan ah ka dagaalama magaalada Kyiv gaynaya
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Moscow ayaa askareyneysa suuriyaan xirfad u leh ku dhex dagaalamidda magaalooyinka, si ay uga dagaalamaan Ukraine, kadib markii ay ku adkaatay ciidamada Ruushka in ay gudaha u galaan magaalooyinka, warkaan waxaa laga soo xigtay mas’uuliyiin maraykan ah.

Xeeldheerayaal maraykan aha ayaa sheegay in Ruushka oo hawlgallo ka sameynayay Suuriya tan iyo 2015 kii uu blibaabay in uu dagaal yahano ka qorto halkaas, isaga oo doonaya in qibradooda ka dhex dagaalamida magaalooyinka uga faa’iideysto in uu gacanta ku dhigo Kyiv.

Ma cadda inta dagaalyahan ee ay qorteen Ruushku, laakiin qaar ka mid ah ayaa ku sugan Ruushka halkaas oo loogu diyaarinyo si ay Ukraine u galaan, sida ay sheegeen saraakiishu.

Saraakiisha ayaa diiday in ay sheegaan waxa intaas dhaafsiisan oo ku saabsan daabulista dagaalyahanada Suuriyaanka ah ee loo wado dagaalka Ukraine.

  • Office Nairobi Kenya 
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post