1041 Views

Faramaajo oo kulan la qaatay dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee xakamaynta cudurka COVID-19.

Faramaajo  oo  kulan la qaatay dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee  xakamaynta cudurka COVID-19.
____________________________________________________________________________

May 7, 2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay dadaallada ay dowladdu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka.

Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale  bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurku.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abikar Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Xuseen Macallin ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay Madaxweynaha kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post