402 Views

Wasiirka Qorsheynta oo walaac ka muujiyay amniga goobta lagu qabanayo doorashada golaha Shacabka

Wasiirka Qorsheynta oo walaac ka muujiyay amniga goobta lagu qabanayo doorashada golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay BBC-DA ayaa sheegay in hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso ay tahay hab khilaafsan habraacyadii lagu heshiiyay Doorashada.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Boosaaso lagu qabanayo Teendho laga dhisay gudaha Garoonka Magaaladaas, isla markaana arrintaas ay walaac ka muujinaya sida ay wax u socdaan.


Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta ayaa walaac ka muujiyay ammaanka goobta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka Boosaaso, islamarkaana ay ilaalinayaan Ciidan aan aheyn Ciidanka Soomaalida ee loogu tala galay Amniga doorashada, sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in Ciidanka sugaya amniga doorashada ay yihiin Ciidanka PMPF oo uu sheegay in meelo kale laga taageero, taasoo uu sheegay in habraacii ka hor imaaneyso, meel dadka tagi karaan oo furan aanay aheyn oo cadaalad ah..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post