1122 Views

ICJ oo ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee soohdinta Badda ee labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishan Maarso

ICJ oo  ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya iyo  Kenya ee soohdinta Badda ee labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishan Maarso
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

Maxkamadda ICJ ayaa ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee soohdinta Badda ee labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague.

Wakhtiga dhegeysiga dacwadda oo ku beegan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya, waxaa lagala socon karaa barta Internetka ee Maxkamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada Midoobay.

Maxkamaddu waxaa ay intaa ku dartay in xilligaa inta aan la gaarin ay shaacin doonto Jadwalka dacwadda oo dhameystiran.

about:blank Dowlada Somalia oo dhowaan dalab ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo dacwada ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta ka qeyb qaadashada dacwadan oo sanado badan soo jiitameysay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post