732 Views

Xasan Firimbi “ Qalbi-Dhagax Waxaa Gabre U Dhiibay Madaxweyne Farmaajo Waana Noo Qirtay Daawo

Xasan Firimbi “  Qalbi-Dhagax Waxaa Gabre U Dhiibay Madaxweyne Farmaajo Waana Noo Qirtay Daawo
____________________________________________________________________________

Axad: January 23, 2022

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firimbi) oo saaka wareysi bixiyay ayaa soo bandhigay xog ku saabsan sababta ka danbaysay dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah hoggaamiyaasha jabhadda ONLF.

Xildhibaan Xasan Firimbi ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu noqday madaxweynaha keliya ee dalka soo maray ee muwaaddin Soomaaliyeed u dhiibay kooxdii TPLF ee ka talin jirtay Itoobiya.

Xasan Firimbi ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ah Qalbi-dhagax ugu dhiibay sarkaalkii Soomaalidu u taqaanay Gabre ee wakhtigaas ka tirsanaa dowladda Itoobiya.

Qalbi-dhagax waxaa Gabre u dhiibay Madaxweyne Farmaajo, waana noo qirtay anagoo sagaal xildhibaan” ayuu yiri Xildhibaan Firimbi oo wareysi siiyay suxufi Ayaanle Xuseen Cabdi.

Sidoo kale wuxu sheegay in Madaxweyne Farmaajo mas’uul ka ahaa go’aankii xukuumadda Federaalka Soomaaliya Argagixisada ugu dartay jabhadda ONLF

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post